Shabaab oo bur buriyay Anteenooyin Isgaarsiineed oo ku yaallo Gobolka Waqooyi Bari

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab inay bur buriyeen Anteenooyin  Isgaarsiineed oo ku yaalay degaano ku dhaw degmada Gaarisa ee dalka Kenya.

Anteenooyin  ayaa la sheegay Shabaabka inay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna sidaasi ay ku bur buriyeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay Gudoomiyaha Magaalada Gaarisa.

Waxaa uu  sheegay anteenooyinka  la burburiyay inay la aheyd Shirkadda Safaricom, islamarkaana si aad ah deegaanka looga isticmaalaayay.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Weelmareer oo ay gacanta ku haayeen Ciidanka dowladda Kenya, waxaana Shabaab dhankooda ay sheegtay in ay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer ku eedeeysay Al-Shabaab in ay burburiyeen Anteenooyinka  ay leedahay Shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Faallooyin