Saraakiisha Militariga oo sheegay Shabaab inay ka saareen inta u dhaxeysa Maxaas iyo Baledweyne

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Shabaab ka saareen deegaanno u dhaxeeya Maxaas iyo Beledweyn. 

Taliyaha qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in hawlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Maxaas iyo Baledweyne ku saareen qaar ka mid ah Ciidamada Al-shabab ee ku sugnaa Tuulooyinka u dhaxeeya labada Magaalo. 

Tareedishe ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay la wareegeen deegaannada kala ah Oratan Hees, Cali Ganey oo u dhaxeeya Maxaas iyo Beledweyne. 

Waxaa uu intaas ku daray in hawlgallada ay sii wadi doonaan islamarkaana dhaq dhaqaaqa inta u dhaxeysa Maxaas iyo Beledweyne ay nabad ka dhigi doonaan. 

Shalay Al-shabab ayaa waxaa ay soo bandhigeen shan askari oo ay ku sheegeen in ay ka goosteen Ciidanka dowladda ee jooga Maxaas, kuwaas oo lagu soo bandhigay Magaalada Ceelbuur oo Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Faallooyin