Khasaare ka dhashay Bam gacmeed lagu weeraray guriga gudoomiyaha Deyniile oo ku yaala Howlwadaag.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Caawa bam gacmeed lagu weeraray guriga uu degmada Howlwadaag ka deganyahay Gudoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar,

Bamka, ayaa la sheegay iney ka dhashay kahsaare ku kooban dhaawacyo, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas ku dhowaad 10 daqiiqo ay ridayeen Ciidankii guriga ilaalada ka heysay.

Goob joogayaal, waxey soo sheegeen in laba kamid ah ilaalada Gudoomiyaha ay ku dhaawcameen Bamka, sidoo kalena rasaasta ay fureen askartii bamka ka badbaaday ay dhaawaceen 3 qof oo Shacab ahaa.

Ciidamada amaanka ayaa durba gurmad ahaan u gaaray guriga Gudoomiyaha, iyagoo wado howlgalo la xiriirta soo qabshada Raggii ka danbeeyay weerarka.

Guriga la weeraray oo ku yaala wadada ka dagata Isgoyska dabka ee aada dhinaca Isgoyska Bakaaro, ayaa dhowr jeer oo hore sidan loo soo weeraray.

Faallooyin