Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday askari horay u dilay Nin shacab ahaa

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya, ayaa xukun dil ah ku riday Laba Xidigle Xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), kaasi oo ku eedeysnaa dil uu u gaystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan, dilkaasi oo dhacay 21-kii Bishii Sagaalaad 2018.

Dilka Marxuum Dayax wuxuu ka dhacay nawaaxiga Saybiyaano Maalin Jimco ah, waqtigana galab uu ahaa xilli uu watay gaari yar oo nooca raaxadda, ayaa Marxuumka lagu dhuftay xabad ka dhacday Qoriga Dhashiikaha, ugu dambeyna u geeriyooday. 

Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah, waxa uu sidoo kale ahaa wade gaari raaxo isagoo sidoo kale soo dhameeyay heerka waxbarashada koowaad  ee jaamacadda Plasma.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiga ka sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday  qori Dhashiika ah  meel ciriiri  badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka.

Laba xidigle Xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii uu u furi lahaa waddada oo aheyd Beerta jaadka halka loo yaqaano xilligaasi oo ay saxmad ka jirtay balse lagu war geliyay in ay sabatay xabadii uu riday dhimashada Marxuum Dayax Iimaan Xasan.

Qareenada ayaa ku dooday in loo naxariisto sarkaalka loona fududeeyo  xukunka maadama uu goobta fal ka dhacay ay aheyd goob Saxmad ah.

Ugu dambeyn maanta ayaa go’aan laga gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane  Ex, Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah  qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute

Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin uga dirtay in aan lagu xad gudbin muwaadiniinta isaga kala goosha magaalada, waxa ayna sheegtay in ciddii geysata dil ku tala gal ah aan looga waaban doonin sharciga.

Sarkaal xukunsanaha ah  ayaa heysta fursad  kale  uu uga qaadan karo rafcaan Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad. 

Faallooyin