Dadaalo lagu daminaayo dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo ka socda gudaha Suuqaasi

Dab ayaa ka kacay Suuqa Bakaaraha fiidkaan caawa, waxaana uu dabkaasi ka kacay nawaaxiga Bacaadlayaasha Suuqa Bakaaraha.

Dabka ayaa ka kacay nawaaxiga halka loo yaqaan Carwo Liimoon, iyadoo uu sii kordhay dabka uuna ku faafay goobaha ganacsiga qaarkood.

Dad ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay dabka inuu saameeyay dhawr meelood oo ganacsi ah oo agabkii yaalay ay gubteen.

Dad badan oo Degmooyin kala duwan ka tagay ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha gaaray si ay hantidooda uga badbaadsadaan dabka.

Gaadiidka Gobolka Banaadir ee dab damiska ayaa ku dadaalayaa inay baqtiiyaan dabka ka socda Suuqa Bakaaraha qaybta Bacaadlayaasha.

Ciidamada dowladda ayaa ku sugan gudaha Suuqa Bakaaraha oo amniga sugaya.

Faallooyin