Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo kormeer amni ku tagay deegaanka Garasbaaleey.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo ay wehliyaan Taliyaha qeybta Galbeed Gaashaanle Sare Maxamed Daahir, Taliyaha Booliska Deegaanka  Garas-baaley Laba Xidigle C/fataax Maxamed Xasan (Qoslaaye) iyo saraakiil kale ayaa maanta kormeer amni ku tagay Deegaanka  Garas-baaley.

Kormeerkan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Deegaanka  Garas-baaley Ibraahim Maxamed Rooble, Guddoomiye kuxigeenka ammaanka iyo siyaasadda Cali Xasan Cali iyo Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Cabdullaahi Maxamuud Cabdi.

Taliyaha Booliska iyo Maamulka Deegaanka  Garas-baaley ayaa kormeer loogu kuurgalayay amniga ku tagay qeybo ka mid ah xaafadaha Garas-baaley, si shacabka loo dareensiiyo inay xoojiyaan la shaqeynta Hay’adaha ammaanka.

Taliye Saadaq ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha ammaanka iyo Maamulka Garas-baaley, kaasi oo diirada lagu saaray sugidda ammaanka.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo saraakiisha kormeerka ku wehlinaysay ayaa qiray in amniga Garas-baaley uu yahay mid la isku haleyn karo, islamarkaana muhiim ay tahay in la joogteeyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adaha ammaanka iyo shacabka.

Hay’adaha ammaanka ee ka hawlgala   Garas-baaley ayaa mar walba sameeya hawlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga, si shacabka ay u helaan amni la isku haleyn karo.

Faallooyin