Mareykanka oo Weerarkii Shanaad ka geystay Somaliya Sanakdan bilowga ah.

Dowladda Mareykanka, ayaa ka hadashay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday degaanka Yaaq Baraawe oo ka tirsan Gobolka Baay, taasoo lala eegtay xubno Shabaab ah.

Taliska Mareykanka ee AFrica (Africom), ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in 6 Xubnood oo Shabaab ah ay ku dileen duqeynta, sidoo kalena ay burburiyeen gaarigii ay wateen, Mareykanka ma sheegin khasaare kale oo ka dhashay weerarka dhinaca cirka ah.

Todobaadkan kaliya duqeymaha Mareykanka ayaa waxaa lagu dilay illaa 15 dagaalame ka tirsan Al-Shabaab, waxaana muuqda in duqeymaha Mareykanka fuliyay sanadkan cusub ee bilowga ah ay gaarayaan illaa shan duqeyn.

Mareykanka, ayaa kordhiyay weerarada dhinaca Cirka ee uu la eeganayo xubnaha Shabaab, Sanadkan oo 10 maalin laga marayo, Mareykanka waxa uu Shabaab la eegtay Shan weerar, kuwaasoo lagu gaarsiiyay Shabaab khasaare lixaad leh.

Mareykanka, ayaa Somaliya ka geystay 47 weerar sanadkii ina dhaafay ee 2018, iyadoo sanadkii ka horeeyay ee 2017 Mareykanku sameeyay 33 weerar, waxaana muuqata in sanadba sanadka ka danbeeya uu Mareykanka kordhinayo weerarada dhinaca Cirka.

Warbaahinta Dowladda Mareykanka ayaa Toodbaadkan sheegtay in Mareykanka uu hakinayo weerarada dhinaca Cirka ah, waloow Saraakiil u hadashay Mareykanka ay meesha ka saareen jiritaanka wararkaasi.

Faallooyin