Mid kamid ah ganacsatada ugu caansan Galmudug oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta lagu dilay nin Ganacsade ahaa.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Bashiir ayaa waxa uu ka mid ah Ganacsatada ugu caansan Deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug gaar ahaan dhanka magaalada Gaalkacyo.

Geerida Ganacsadaha ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii uu isku dayay inuu kala dhexgalo nin ay walaalo yihiin iyo nin kale oo is rasaaseeyay, taasi oo keentay in Ganacsadaha ay haleesho rasaasta.

Ciidanka ammaanka maamulka Galmudug oo tagay goobta ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan mid ka ah raggii rasaasta ay dhexmartay.

Dadka magaalada Gaalkacyo ayaa aad uga naxay dilka Ganacsadaha lagu dilay Koonfurta magaalada Gaalkacyo, iyada oo dhacdadan ay aad u hadal dadka Deegaanka.

Faallooyin