IGAD oo Madaxweynaha cusub ee Puntland ka dalbatay inuu la shaqeeyo Dowladda Federalka Somaliya

Ergeyga gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Dr, Maxamed Cali Guuyo, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Maxamed Deni, oo Shalay ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Garowe.

Dr, Guuyo, ayaa sidoo kale ammaanay doorkii ay ka qaateen, Dowladda federaalka, maamulka Puntland, Odayaasha dhaqanka iyo Ururrada Bulshada.

Ergeyga ayaa sidoo kale u hambalyeeyay dhammaan tartamaashii xilka madaxtinimo ee Puntland, isagoo si gaar ah u ammaanay aqbalaaddii iyo sidii uu xilka ku wareejiyay, C/wali Maxamed Cali Gaas.

Dr, Guuyo, ayaa kula dardaarmay Madaxweynaha cusub ee Puntland, inuu la yimmaaddo hufnaan iyo maamul wanaag, sidoo kale uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka iyo maamullada Dalka ka jira.

Doorasho shalay ka dhacday Magaalada Garowe, ayaa lagu doortay Madaxweyne cusub oo uu maamulkaasi yeeshay & Ku xigeenkiisa.

Faallooyin