Afar ka mid ah Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Baqdaad ee Shabellaha hoose

Ugu yaraan Afar xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa lagu dilay duqayn xagga Cirka ah oo ka dhacday Gobolka Shabeellada hoose.

Bayaan kasoo baxay hawlgalka Africom, ayaa lagu sheegay in Laba duqayn oo ay Diyaaradahooda oo kaabaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka geysteen Isniintii Todobaadkan Tuulada Baqdaad ee Gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo ay ku dileen Afar ka mid ah Al-Shabaab.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay, in duqeyn kale oo Axaddii ka dhacday meel ku dhow degaanka Dheerow Sanle, ee isla Gobolka Shabeellada hoose lagu dilay Lix xubnood oo ka mid ahaa Al-Shabaab.

Hawlgalka Maraykanka ee Africom, ayaa sheegay in duqeymahan ka dhacay Todobaadkan Gobolka Shabeellada hoose ayan dhimasho iyo dhaawacba kasoo gaarin Dadka rayidka ah.

Al Shabaab kama aysan hadlin duqeymaha Mareykanka ay kordhiyeen ee lagula eegto deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.

Faallooyin