Mursal, Jawaari iyo Aadan Madoobe oo kulan degdeg ah ka yeeshay doorashada Koofur Galbeed.

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta uu kulan ALbaabada u xiranyahay ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee uu daganyahay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Kulanka oo uu fadhiga dhigay Mursal, waxaa ka qeybgalay Xildhibaanada iyo Wasiirada ka soo jeeda Koofur Galbeed ee dowladda ku jira, waxaana diirada lagu saaray doorashada KGS iyo walaaca ay qabaan Shacabka ku dhaqan Saddexda Gobol.

Waxyaabaha kulanka la iskula soo qaaday waxaa kamid ah; Faragelinta dowladda ee doorashada iyo wararka la xiriria in Mukhtaar Rooboow laga saarayo tatanka.

Ugu danbeyn waxaa kulanka la iskula afgartay qodobadan hoos ku qoran:

In ay ka dhacdo Doorasho Xur iyo Xalaal ah.

In aysan jiri doonin qof gaar ah oo laga reebayo Doorashada.

Ciidanka Xamar laga rarey in ay tahay qalad.

Faallooyin