Shabaab oo Qarax Miino ku dishay Taliyihii Qeybta 12ka April ee Ciidanka Milatariga Somaliya.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh.Hoose, ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta qarax miino lagula eegtay nawaaxiga deegaanka Jazeera Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga dalka.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago, ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen laba kamid ah Saraakiisha hogaamisa Qeybta 12-ka April ee Ciidmaada Xoogga dalka.

Inta la ogyahay, waxaa weerarkaasi ku geeiryooday Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) oo ahaa Taliyaha qeybta 12-ka April iyo Abaanduulkiisa Cabdi Cali Jamaame, labadan Sarkaal waxey ku soo jeedeen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku geeiryootay 7 kamid ah Ciidamadii ilaalada u eheyd Saraakiishan, kuwaasoo miinada ay bur burisay gaarigii ay saarnaayeen.

Shabaab, ayaa durbadiiba sheegtay masuuliyada Qaraxan, waxeyna ku faaneen iney khasaare gaarsiiyeen Ciidamada Xoogga dalka.

Labadan Sarkaal, ayaa muhiim u ahaa howlgal dhowaan la doonayay in Shabaab looga saaro deegaanada ay ka joogaan Sh.Hoose, waxeyna malamahanba Ciidmao ku diyaarinayeen deegaano ku dhow magaalada Marko.

Faallooyin