Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo Kismaayo ku wajahan

Maanta oo Khamiis ah ayaa la filayaa in wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare  inay u ambabaxaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga ayaa ujeedka safarkooda waxa uu yahay sidii ay wada hadallo ula yeelan lahaayeen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe si loo dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan qorshaha lagu xalinaayo khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada oo hadda ah mid geba-gabo ah, islamarkaana kala hadlaan Madaxda Jubbaland.

Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo wafdigiisa ayaa waxa ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxda kale ee maamulkaas,iyaga oo kala hadli doonaan dhameynta arrimaha khilaafka.

“Aniga iyo Wafdi aan hoggaaminaayo waxaan aadeynaa Kismaayo Jubbaland, waxaan u aadeynaa waa tii aan hawl soo wadnay meel gabo gabo ah ayeey mareysaa, waxaan rabnaa markaasi in aan xoogga dadka marka hore cid waliba inaynu aragno oo dalkeena sidii si nabad ah oo mid ah wax u dhaqaajin laheyn in aan soo dhiraan dhirino.” Ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Faallooyin