Golaha Shacabka oo laba Todobaad kadib berri kulan xasaasi ah yeelanaya.

Gudoomiyaha golaha Shacabka ee baarlamaanka Somaliya, ayaa galabta kulan degdeg ahaa la qaatay guddiyayada Joogtada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa, waxaa looga hadlay sidii loo bilaabi lahaa kulmada caadiga ah ee golaha Shacabka oo mudo ku siman 4 jeer baaqday labadii Todobaad ee u danbeeyay.

Mursal oo Turkiga deg deg dib uga soo laabtay, ayaa xalay fariimo u diray Gudoomiyayaasha Guddiyada joogtada ee Baarlamanaka, isagoo farayay iney isugu yimaadaan kulan looga hadlayo shaqooyinka baarlamaanka horyaala bishan December ee bilowga ah.

Mursal, ayaa ku amray howlwadeenada Baarlamaanka iney Xildhibaanada gaarsiiyaan fariinta la xirirta kulanka berri, Ajandaha kulankuna ahay akhrinta 3aad hindise sharciyeedka Leelitirka.

Gudoomiiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, ayaa Xildhibaanada u sheegay in arinta muranka badan dhalisay eek ala dirista Guddiga Maaliyada ee uu qaaday C/weli Muudeey uu go’aan dastuurka waafaqsan ka qaadan doono.

Go’aankiisa, ayuu ku sheegay inuu noqon doono mid wada raali geliya Xildhibaanada Golaha Shacabka oo laba garab u kala jabay.

Faallooyin