Madaxa Jabhadda Al Shabaab ee Gobolada Baay iyo Bakool oo lagu dilay deegaanka Yabaal.

Sarkaal Ururka Al Shabaab ka tirsanaa ayaa barqanimadii maanta waxaa lagu dilay Gobolka Bakool, ka dib markii uu toogtay mid ka mid ah ilaaladiisa.

Ninkan ayaa lagu dilay deegaanka Yabaal oo qiyaastii 25km u jirta Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Macalin Jinow ayaa xilligaan ku magacawnaa Madaxa Jabhadda Al Shabaab ee Gobolada Baay & Bakool.

Wararka ayaa sheegaya in dilka Macalin Jinow ka dib uu halkaasi ka bilowday dagaal u dhaxeeya Ururka Al Shabaab iyo beesha Jiroon. Beesha iyo ninka dilka gaystayba ayaa sida la sheegay ka carooday xukun dil ahaa oo shalay uu Macalin Jinow ku fuliyay nin u dhashay beeshaasi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka uu soo gaaray gelinkii dambe ee maanta, isla-markaana ay caawa dhiilo colaadeed ka taagan tahay deegaankaasi Yabaal.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, dadkuna ay bilaabeen in ay guryahoodu isaga barakacaan.

Macalin Jinow waxaa uu ka mid ahaa Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee ugu sareysa Gobolada Bakool & Baay, isagoo xilliyada qaarkoodna ka qayb qaadan jiray kulamada Shabaabku ku qabanayaan Gobolka Gedo.

Faallooyin