Guddiga doorashada Koofur Galbeed oo guddoon cusub doortay.

Wararka ka imanaya magaalada baydhabo, ayaa sheegaya in maanta kulan ay yeesheen guddiga qaban qaabada doorashada Koofur Galbeed, kuwaasoo ka kooban 15 Xubnood.

Kulanka, ayaa ujeedkiisa ahaa sidii loo dooran lahaa gudoonka guddiga doorashada Madaxweynaha, maadaama uu meesha ka baxay gudoonkii hore, Kuwaasoo isu casilay cabasho ay keeneen faragelin ay sheegeen in doorashada ku heyso dowladda dhexe.

Guddiga doorashada, ayaa maanta doortay Gudoomiye, Kuxigeen iyo xoghayaha Guddiga, waxeyna shaaciyeen in la dardar galin doono howlaha doorashada ee Guddiga.

Gudoomiyaha Guddiga doorashada waxaa loo doortay Xildhibaan Shaacir Cumar Beyle,halka Guddoomiye ku xigeen loogu doortay Abuukar Xuseen Xasan,waxaana Xoghaynta Guddiga loo doortay Xildhibaan Nuur Ibraahim Cusmaan.

Xildhibaan Shaacir Cumar Beyle gudoomiyaha guddigan ah, ayaa goobta ka sheegay in doorashada ay u dhaceyso si cadaalad, isagoo meesha ka saaray wararka la xiriria in doorashada waqtigeeda ay dib uga dhaceyso.

Si Kastaba, Guddigan doorashada, ayaa heysta mudo kooban, maadaama doorashada xiliga lagu balamay ay ka harsan tahay oo kaliya 8 Cisho, Lamana oga in mar kale doorashada dib ay uga dhaceyso xiligeeda.

Faallooyin