Khasaare ka dhashay Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qarax khasaare dhaliyay ayaa galabta ah waxa uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, sida ay ku warameen goobjoogayaal.

Qaraxan ayaa ka dhashay kadib markii uu qarxay gaari gacan lagu hoos qariyay waxyaabaha qarxa.

Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxan, balse waxaa la soo wariyay inuu jiro khasaare kala duwan.

Ciidanka ammaanka ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna xireen aaggaasi oo ay baaritaano ka wadaan.

Falalka ammaanka ka baxsan ayaa Muqdisho ku soo batay, waxayna ku soo aadeen iyada oo ammaanka aad loo adkeeyay.

Jimcihii ayay aheyd markii weerar loo adeegsaday Saddex qarax lagu weeraray Hotel Saxafi, kaasi oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 30 qof.

Faallooyin