AQRISO: Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo baaritaan ku sameynaya weerarkii Hotel Saxafi

Guddiga Difaaca Golaha shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa magacaabay guddi xaqiiqo raadin oo baaritaan ku sameeya weerarkii Jimcihii ina dhaaftay lagu qaaday Hotelka Saxafi.

Warkan ayaa waxaa lagu sheegay kadib warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Xuseen Carab Ciise.

Guddigan oo ka kooban Afar xubnood oo ka tirsan guddiga Difaaca ayaa soo baaraya sababta ka dambeysay ragga weerarka soo qaaday inay soo xirtaan dareeskii ciidanka xoogga iyo sida ay ku soo gudbeen gawaarida qarxay baraha ciidan ee magaalada ku yaalla.

Halkaan hoose ka akhriso warqada ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka:-

Faallooyin