Taliye Indha Qarshe oo Musuq iyo Maamul xumo ku eedeeyay Hogaanka Saadka Xooga Dalka.

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa digniin kasoo saaray Shaqsiyaad ku labisan dharka Ciidanka,kuwaasoo marar qaarkood Isbaaro dhigta qeybo ka mid ah Gobolada dalka iyo duleedka Magaalada Muqdisho.

Indhoqarshe waxaa uu sheegay in qeybta Saadka ay kula xisaabtami doonaan haddii la arko dharka Ciidanka qof xiran islamarkaana aan ka tirsaneyn Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in dib u habeyn lagu sameeyo taliska Ciidanka xoogga, islamarkaana cidii dhibaato u geysata Shacabka lagula xisaabtami doono.

Waxaa uu saraakiisha Ciidanka uga digay in ay sameeyaan musuq maasuq, dhaawaci kara Sumcadooda midda Ciidanka.

Sanadka soo socda ayaa wuxuu sheegay inuu noqon doono sanad ay si adag ula dagaalamaan musuqa, arrintaasina ay tahay midda u qorsheysan Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya.

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa lagu eedeeyaa inay isbaaro dhigtaan wadooyin ka mid ah Gobolka Shabellaha hoose, halkaasi oo maalmahan gaadiid badan ay ku xanibnaayeen.

Faallooyin