Madaxweyne Waare oo war ka soo saaray Xildhibaanka Hirshabelle looga dilay Muqdihso.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo ka mid ah Xildhibaannada Hirshabelle oo kooxo dhagar badan ay gaariga ugu xireen Qarax magaalada Muqdisho qaraxaasina uu u geeriyooday.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u geysteen Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo shahiiday isagoo hawl qaran gudanaya, Dilalkan marnaba nagama hor istaagi doonaan inaan horey u sii dhaqaaqno, waxaana hubaa Ilaahay idankii in kooxahan nabadda ka soo horjeeda dalka laga ciribtiri doono dhowaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Madaxweyne Waare oo Ku hadlayay Afka Golayaasha Hirshabelle iyo Shacabkuba ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Allaha u Naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Lagu aas aasay Hirshabelle isagoo door muuqda ku lahaa dhisida iyo Horumarinta Dowladda Hirshabelle.

Faallooyin