Xildhibaan katirsan baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu dilay Muqdihso.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qarax xoogan uu goordhow ka dhacay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Caasimada, ayaa waxaa lagu dilay Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahin oo katirsan Baarlamaanka Hirshabelle.

Xildhibaanka, ayaa xiliga la qarxinayay waxa uu marayay nawaaxiga iridka laga galo Beerta Nabada oo ah goob ay ku badanyihiin Ciidamada oo amnigeeda aad loo ilalaiyo.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa Nooca Dhajiska ee Gawaarida lagu xiray, ayaa waxa uu baabi'iyay gaariga uu watay Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahin, iyadoo aan la soo sheegin cid kale oo wax ku noqotay.

Marxuumka, ayaa noqonaya Xildhibaankii 4-aad ee laga dilo maamulka Hirshabelle, Labo hore waxaa loogu dilay Bishii Ramadaan wadada xiriirisa Blacad iyo Jowhar, halka mid lagu dilay Wadada u dhexeysa Afgooye iyo Balidoogle, Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahin, waxaa maanta lagu dilay Muqdihso.

Xildhibaanada Hirshabelle oo galay fasax laba Bilood ah, ayaa waxey abdankood haatan ku sganyihiin magaalada Muqdisho.

Faallooyin