Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo u digay Hay adaha ka hawlgala Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay talaabo ka qaadi doonaan Hay’addaha samafalka ee sida Sharci darada ah ugu shaqeysta Muqdisho.

Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay joogaan Hay’ado badan oo aan laga warqabin shaqooyinka ay qabtaan, midaasina aysan sax aheyn.

Eng Yariisow ayaa sheegay inay muhiim tahay inay isa soo diiwaangeliyaan Hay’adaha, si loola socdo shaqooyinka ay magaalada gudaheeda ka qabanayaan.

Hay’adaha diiwaangashan ayuu sheegay inuu si gaar ah ula shaqeyn doono maamulka gobolka Banaadir.

“Waxaan joojinay Hay’adaha dalka iska yimaada ee iska fuliya mashaariic, mana aqbali doono arrintaas, Hay’adaha diiwaangashan ayaan si dhaw ula shaqeyn doonaa, annaga waxaan ku dhaqeynaa rabitaanka shacabka”. ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Hay’ado kala duwan oo aan nidaam sax ah soo marin ayaa ka hawlgala dalka intooda badan waxa ay yihiin kuwa danahooda gaarka ah qabsada.

Faallooyin