Wasiirka Difaaca Turkiga oo maanta ku soo wajahan Magaalada Muqdisho

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu soo gaaro Wasiirka difaaca dowladda Turkiga iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, sida qorshaha uu yahay.

Waxaa wafdigan ka mid ah taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Turkiga, madaxa hay’adda TIKA iyo saraakiil kale.

Waxa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiin DFS oo ay ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah.

Turkiga ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxaana dalka ay ka hirgeliyeen mashaariic badan oo horumarineed.

Turkiga ayaa Somaliya wuxuu ka hirgeliyay xero ciidan oo wayn, kaasi oo lagu tababaro ciidamada Xoogga dalka Somaliya.

Faallooyin