Ilhaan Cumar oo ku guuleysatay ka mid noqoshada Congresska Mareykanka

Ilhaan Cumar oo ah Gabadha Soomaalida ah ee u tartameysay ka mid noqoshada Golaha Kongareeska Mareykanka ayaa doorashadii ka dhacday dalkaasi ku soo baxday Kursiga.

Ilhaan oo guusheeda kaddib la hadashay taageerayaasheeda ayaa sheegtay in 20 Sano ka hor markii ay Mareykanka tageysay ku socotay riyooyin kala duwan iyo ballanqaadyo xilligaas Mareykanka kana dhabeysay.

Waxa ay sheegtay in ay matali doonto dhamaan dadka kala duwan ee Gobolka Minnesota ee ay dadkiisu mataleyso.

Ilhaan ayaa tagi doonta caasimadda Mareykanka,waxaana ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee soo galooti ku gala Mareykanka islamarkaana ka mid noqda Golaha Kongareeska Mareykanka.

Waxaa intaas u dheer in ay tahay Gabar Soomaali ah, Muslim ah, sidoo kalena  ka soo jeeda Afrika oo ka mid noqota Aqalka hoose ee Mareykanka.

Dhinaca kale Maxamuud Nuur oo isna ah Soomaali u tartamayay xaafad ka mid ah Minnesota ayaa ku guuleystay kursigii uu u tartamayay.

Faallooyin