Shabaab oo magaalada Marka ku dilay nin la sheegay inuu Amisom la shaqeynayay.

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabellaha hoose, ciidamada Shabaab ayaa dilay Sarkaal la shaqeynaayay ciidamada Amisom.

Dilkaan ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Marka, kadib markii rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan qaab qorsheysan ay ku toogteen.

Ninka Shabaab ay dileen ayaa la shedgayaa in Amisom uu kala shaqeyn jiray u gudbinta dhanka macluumaadkan ku aadan dhaq dhaqaaqyada Shabaab ay wadaan, maadaama nin deegaanka ah uu ahaa oo xiriiro kala duwan uu la sameyn jiray.

Ruux ay dileen Shabaab ayaa lagu magacaabi jiray Maangoow, waxaana si wayn looga yaqaanay deegaanka Ceeljaale ee Gobolka Shabellaha hoose.

Al Shabaab ayaa si gaadmo ah ku dila xubnaha la shaqeeya dowladda Federalka Somaliya iyo Amisom.

Faallooyin