Wasiirka amniga Somaliya oo sheegay inuu tilaabo ka qaadayo dadkii ka danbeeyay howlgalkii lagu burburiyay dhismayaal ku yaala Wadajir.

Wasiirka amniga Somaliya, Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale), ayaa ka hadlay howlgal dhimasho iyo dhaawac sababay oo Ciidamada booliska shalay ka sameeyeen qeybo kamid ah degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Howlgalkaas, waxaa hogaaminayay Madaxa amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamuud Tuulax, iyadoo ay la socdeen Taliyaha booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon iyo Qaasim Rooble oo kamid ah Saraakiisha Booliska.

Wasiir Isloow oo maanta la kulmay qaar kamid ah ehelada dadkii dhibta uu ka soo gaaray howlgalkaasi lagu burburinayay Goobo ganacsi iyo dhismayaal dad ay daganaayeen, ayaa sheegay inuusan raali ka eheyn wixii ka dhacay Xaafada Nasteexo.

Intii howlgalka uu socday Ciidamada amaanka iyo rag hubeysnaa  oo ahaa dadkii iska lahaa goobaha la burbirnayay, ayaa dhex maray dagaal mudo kooban socday, kaasoo ay ku dhinteen laba qof oo labada dhinac kala ah iyo dhaawaca dadka deegaanka qaarkood, Kuwaasoo dhaawacooda Ciidamada amaanka ay kala baxeen Isbitaalka Madiino.

" Cadeymaa raadin doonnaa, Gaal iyo Muslimba waxey qabaan qofka dhaawaca ah in la daaweeyo, Shabaab haduu yahay xitaa, Tilaabaa ayaa arintaasi ka qaadi  doonnaa, wixii dhacayna waa la dabagali doonaa" ayuu yiri Wasiir Isloow.

Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale), Wasiirka amniga Somaliya, ayaa sheegay inuu tilaabo ka qaadi doono dadkii ka Masuulka ahaa arintaasi, waloow aanu soo bandhigin magacyada dadka ku lugta leh iyo Nooca tilaabada uu qaadayo.

Xildhibaan Samiiro Xasan Cabdulle, oo matasha dadka dhibtu gaaray, ayaa sheegtay ineysan ka daba hari doonin dadkii dhibta geystay, Shacabka ayey ugu laab qaboojisay iney ogaadaan inaan marnaba dhici doonin in la dulmiyo.

Faallooyin