Ciidamada dowladda oo qabtay Mootooyin Bajaaj oo taargo la aan ah

Ciidamada Booliska ee DFS ayaa xalay waxa ay hawlgal ka sameeyeen degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ku qabteen dhawr Mooto Bajaaj oo la sheegay in lagu sameynayey falal ammaanka wax u dhimayey.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa sheegay in ay soo qabteen ciidanka illaa 19 Mooto Bajaaj iyo sidoo kale kuwa Labada Lugood leh, waxaana la geeyey saldhigga degmadaasi.

Waxay ciidanka sidoo kale qabteen raggii watey mootooyinkan kuwaasi oo baaritaan lagu hayo.

Howlgallada sidan oo kale ah ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxayna ciidanka habeen kahor howlgal ay ka sameeyeen degmada Shibis ee Muqdisho ku qabteen Mootooyin sidan oo kale ah.

Faallooyin