Nabad Suggida oo sheegtay Garoonka Aadan Cadde in lagu qabtay Shabakad lacagta doolarka dhaqda

Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Koox dhaqda Lacagta Madow ee Doolarka, taasi oo ay sheegtay in ammaanka halis ay ku yihiin.

Waxaa kaloo Hay’addu sheegtay in mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka uu u sahlay shabakadaas gudbinta garoonka, islamarkaana galka baarista ee shabakadda uu arrintan u gudbinayo hey’adaha sharciga ee ku shaqada leh, si tallaabo looga qaado.

Qoraalka NISA ayaa lagu yiri sidan “Ciidamada ammaanka garoonka Aadan Cade ee Muqdisho waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-dambiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba ka mid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu daba jiraa”.

Hay’adaha ammaanka ayaa marar badan sidan oo kale u soo qabtay ragga ka shaqeysta dhaqida Dollarka madow, iyadoo ay Maxkamadda gobolka Banaadir horkeeneen eedeysanayaal badan, shakhsiyaadka loo xukumo dhaqista Dollarka madow ayaa lagu xiraa xabsiga dhexe ee Xamar.

Faallooyin