Sawirro: Boqor Salmaan iyo Khayre oo wadahadal yeeshay.

War kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu faah-faahiyay kulan maanta ay wada qaateen Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo wafdi uu hogaamiyaya shalay Magaalada Riyaadh gaaray.

Kulanka oo ka dhacay Al Yamama Palace waxa ay ugu wada hadleen Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, si loo dardar geliyo kaalmada Sacuudiga ee Soomaaliya.

Adeegaha Xarameynka  ayaa soo dhoweyn kadib Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre u sheegay in Dowladiisa ay soo dhaweyneyso dadaalada isbadalada ah ee ka jira Geeska Afrika.

Xubno ka socda Boqortooyada iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo warfaafinta Soomaaliya ayaa kulanka Goobjoog ka ahaa.

Wakaaladda Wararka U faafisa Sacuudiga SPA ayaa daabacday in kulanka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, labada dhiancne ay isla garteen in la dardar geliyo Xiriirka iyo isbadalada Nabadeed ee Geeska Afrika ka jira.

Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixan doono Heshiisyada iyo Ballanqaadayda Boqortooyada ay u sameyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ahaa labo Cisho ayaa la filayaa in uu soo gaba-gaboobo, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in Sacuudiga uu Mashaariic u ballanqaaday Dowladda Federaalka.

Faallooyin