Sawirro: Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya duleedka Muqdisho, ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay Isgoyska Ex Comtrol Afgooye, waxaana warar dheeraad ah laga helayaa khasaaraha Qaraxa.

Goob Joogayaal ayaa soo sheegaya in qaraxa uu ahaa nooca miinada Dhejiska ee lagu xiro Gawaarida, iyadoo uu jiro Khasaare dhaawac ah oo soo gaaraya dadkii watay gaariga, Xiligaas waxa uu gaariga marayay kaalinta SHidaalka lagu iibiyo.

Laba kamid ah dadkii watay gaariga, ayaa dhaawac daran waxa uu ka soo gaaray qaraxa oo jigtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana goobta durbadiiba tagay Ciidamada dowladda oo Kontoroolo badan ku leh nawaaxiga goobta qaraxa uu ka dhacay.

Labadii qof ee dhaawacyada gaaray, ayaa loola cararay goobaha Caafimaadka, waxaana argagax uu la soo darsay dadkii ku ganacsanaya hareeraha wadada.

Warar soo baxaya, waxa ay sheegayaan in dadka gaarigooda qaraxa loogu xiray ay ahaayeen xubno katirsan Maamulka Galmudug, waloow aan wali si faahfaahsan loo ogaan waxa ay Galmudug ka ahaayeen.

Faallooyin