Sawirro: Qalbi Dhagax oo Xaaf iyo Shaakir kula kulmay Magaalada Dhuusa Mareeb.

C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, ayaa magaalada Dhuusa-Mareeb kulan kula yeeshay Madaxda sare ee Galmudug, Isagoo maanta Dhuusa-Mareeb uga bilaabatay booqasho dhowr cisho ah.

Qalbi Dhagax, waxaa Garoonka Dhuusa-Mareeb ku soo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Galmudug, waxaana intaasi kadib loo sii gudbiyay Madaxdtooyada oo uu kula kulmay Xaaf iyo Shaakir.

C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, ayaa uga mahadceliyay madaxda iyo Shacabka Galmudug sida ay ugu soo dhaweeyeen magaalada, Wuxuuna tilmaamay inuu ku faraxsanyahay socdaalkiisa Galgaduud uga bilaabatay Maanta.

Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa ka raali gelliyay Qlabi Dhagax wixii loogu geystay magaalada Gaalkacyo, Dhamaadka sanadii hore ee 2017, markaas oo Ciidanka Galmudug Nabad SUgidooda ay soo qabteen.

Si Kastaba, Qalbi Dhagax, ayaa mudooyinkii danbe socdaalo ku marayay qeybo kamid ah dhulka Somalida, wuxuuna socdaalkiisa ka soo bilaabay magaalada Hargeysa, Waxa uu uga sii gudbiyay Boosaaso, Isagoo ku xijiyay Gaalkacyo oo eheyd meeshii uu Saaka uga soo gudbay Dhuusa-Mareeb.

C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, ayaa dhowaan iska diiday inuu yimaado Muqdisho, wuxuuna sababta ku sheegay iney tahay halkii cadawga looga dhiibay sanadii hore, Wuxuuna amaanay Shacabka iyo Baarlamaanka sida ay uga dhiidhiyeen dhiibistiisa.

Faallooyin