Ciidamada Booliska oo baaritaan ka wado wadooyin ka mid Muqdisho.

Ciidamada Booliska dowladda Federalka Somaliya ayaa waxa ay baaritaano ka wadaan wadooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Wadada Maka Al-Mukarama qaybo ka mid ah ayaa la sheegayaa ciidamada inay ka wadaan Baaritaano, islamarkaana gaadiidka yar yar ee kuwa raaxada si aad ah u baarayaan.

Maalmahan dambe Muqdisho waxaa ku soo batay dilalka qorsheysan iyo qaraxyada lala eeganaayo xarumaha Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa la arkaayay iyaga oo Su'aalo waydiinaya wadayaasha gaadiidka yar yar si loo hubiyo meesha uu ka yimid iyo halka uu u socdo.

Ammaanka Guud ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si toos ah loogu wareejiyay Ciidamada Booliska Somaliya.

Faallooyin