Taliyihii ciidamada isku dhafka Gobolka Mudug oo Qarax Ismiidaamin ah lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Taliyihii ciidamada Isku dhafka ee Gobolka Mudug C/Xukun Cabdullahi Maxamuud (Xoreeye) iyo sarkaal lagu magacaabo Cabdi Qani Axmed Gayre, ayaa lagu dilay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxan ayaa lala eegtay kolonyo la socotay Taliyaha oo mareysay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, sida ay soo sheegayaan Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa la sheegay laba ruux oo ka tirsan Guutada Guulwade ee ciidanka Xoogga dalka Gobolka Mudug inay ku dhinteen qaraxaasi.

Warbaahinta waxa ay sheegaysaa in sidoo kale lix ruux dhaawac ah la gaarsiiyay isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu daaweynaayo.

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa hawlgal waxa ay ka wadaan Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan goobta qaraxa Ismiidaaminta ah lagula eegtay Taliyaha.

Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ee isku dhafka ah, kana hawgala Gobolka Mudug ayaa ah kuwa ka shaqeeyay ammaanka Magaalada Gaalkacyo

Faallooyin