Janaraal Tareedisho oo Sheegay iney Gobolka Hiiraan ku dileen 120 Qof oo isugu jira Saraakiil iyo Dagaalyahano Shabaab ah

Taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliya qeybta 52-aad, Janaraal Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) ayaa  faahfaahin ka bixiyay Howlgal Hiiraan ka socday tan iyo 14-Kii bishan, kaa soo lagu dilay Saraakiil iyo dagaalamayaal katirsan Xrakada Al-Shabaab.

Janaraal Tareedisho ayaa Warbaainta usheegay in howlgalka oo deegaano badan looga qabsaday Shabaab ay ku dileen 120 Dagaalyahan oo katirsan Shabaab, kuwaasoo qaarkood ay ku jiraan Saraakiil Sar Sare oo ubadnaa kuwo qaabilsan dagaal gelinta Ciidanka.

Janaraalka ayaa sidoo kale sheegay iney Gacanta ku dhigeen Shabaab dagaalamaya oo ay haatan ku hayaan saldhigyada, loona Gudbin doono Xarumaha Ciidanka, si Cadaalada inta laga horgeynayo loogu hao.

Waxa uu sheegay in Ujeedka howlgalku ahaa sidii la isugu furi lahaa Wadooyinka Baladweyne ku xira Degmooyinka; Jalalaqsi, Buula Barde iyo Maxaas oo Shabaab wada ugali jireen Gaadiidka raashinka wada iyo kuwa Ciidamada.

Howlgalka intii uu socday ayuu Janaraal Tareedisho sheegay iney gacan weyn ka geysteen, Ciidamada AMisom ee dalka ujooga Nabad ilaalinta, si gaar ah waxa uu u amaanay Ciidanka Jabuuti ee dadka reer Hiiraan uyaqaanaan "Hiil Walaal".

Ugu Danbeyn Janaraal Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo hub ay lahaayeen Shabaab, Isagoona dhinaca kale sheegay inuu sii socon doono howlgalada haatan ka socda dhulka buura leyda ah.

Shabaab ayaan wali si rasmi ah uga hadal howlgalkan xoogan ee ka socda Deegaanada Gobolka Hiiraan, Waxaana howlgalka dadka horboodaya kamid ah Gudoomiyaha Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Faallooyin