Madaxweyne Erdogan oo sheegay inaanay Sweden ka mid noqon doonin NATO

Dowladda Sweden ayaa haadaan ka tuurtay damaceedii ay muddooyinkii ugu dambeysay ku dooneysay in ay xubin ka noqoto isbahaysiga NATO, ka dib bannaanbixii Sabtidii ka dhacay Magaalada Stockholm ee dalkaasi, laguna gubay kitaabka Qur'aanka Kariimka.

Bannaanbaxa oo lagu qabtay ka soo horjeedka Xarunta Safaaradda Turkiga ee magaaladaasi ayaa waxaa horkacayay ninka Islaam naceybka ku caanka baxay ee lagu magacaabo Rasmus Paludan, kaas oo u dhashay dalka Denmark, balse sidoo kale haysta dhalashada Sweden.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo si kulul u cambaareeyay tallaabada ay Dowladda Sweden ninkaasi ugu ogolaatay inuu dab qabadsiiyo Qur'aanka Kariimka ayaa sheegay inay tahay tallaabo meel dhac ku ah cid kasta, gaar ahaan Muslimiinta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhalleeceeyay in Sweden ay ogolaatay in bannaanbaxaasi lagu taageero jabhadda PKK, oo dagaal kula jirta Turkiga, waana fallaagada Kurdiyiinta oo ay liiska argagixisada ku dareen Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub, balse aastamahooda ayaan weli laga mamnuucin dalka Sweden

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inaanay dowladdiisu taageeri doonin qorshaha ay Sweden ku dooneyso in ay kaga mid noqoto gaashaanbuurta NATO, isaga oo Stockholm u sheegay inaanay filan in Ankara ay ka taageerto, sidii ay xubin uga noqon laheyd gaashaanbuurtaasi.

Ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine ayaa waxay tani baqdin ku keentay dalalka Sweden iyo Finland, kuwaa oo bilaabay dadaalo ay ku codsanayaan in ay ka mid noqdaan xulafada NATO.

Turkiga ayaa bilowgiiba ka horyimid codsigoodaasi, isaga oo u sababeeyay taageerada ay siiyaan mintidiinta PKK iyo cunaqabateynta hubka ee saaran Ankara.

Xubinimadooda NATO ayaa u baahneyd inay ogolaansho kaga haystaan dhammaanba soddonka dalka ee xubnaha ka ah bahwadaagta. Turkiga ayaana ahaa dalkii keliya ee ka horgudbanaa.

Turkiga ayaa 29-kii bishii June ee sanadkii 2022 ogolaaday inay dalalkan ku biiraan NATO, ka dib shir ay dalalka NATO ku yeesheen Magaalada Madrid ee dalka Spain, markaas oo Sweden ay aqbashay inay Turkiga kala shaqeyso dalabaadkiisa ku aaddan dagaal-yahanada mayalka adag ee Kurdiyiinta. Sidoo kale Finland iyo Sweden ayaa xilligaasi meesha ka saaray tallaabadii ay horey Turkiga ugu diidanaayeen in ay hubka kaga iibiyaan.

Turkiga ayaase hadda sheegaya in ay Sweden ka hor istaaggi doonaan in ay si rasmi ah uga mid noqoto NATO, ka dib markii uu ku eedeeyay inay xagjiriinta u ogolaatay in ay bannaanbaxaasi ku qabtaan aagga Safaaraddiisa ee Caasimadda Stockholm, iyada oo ay ilaalinayaan ciidamadeeda amniga.

Duulaanka Moscow ee Kyiv ayaa khasab kaga dhigtay Helsinki iyo Stockholm inay bedelaan fekerkoodii siyaasadeed ee dalalkan ku yaala Waqooyiga Yurub ka qabeen inay ku biiraan xulafada NATO.

Labadan dal ayaa muddo dheer ku dhaqmi jiray siyaasadoodii muddada fog soo jirtay, ee ay kaga dhowrsan jireen ficilada ka careyan kara Moscow, balse waxa ay wax kasta is bedeleen markii Moscow ku duushay Kyiv.

Faallooyin