Jarmalka oo iska diiday dalab uu u arkay mid Ruushka looga horkeeni karo

Dowladda Jarmalka ayaa ka hortimid in taangiyadeeda casriga ah ee Leopard ay u dirto dalka Ukraine, si dowladda dalkaasi ay isaga caabiso duulaanka Ruushka.

Wasiirada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada illaa 50 dal oo xulafo la ah Ukraine, kuna kulmay dalka Jarmalka ayaan ka soo bixin natiijadii ay Ukraine fileysay.

Image

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa codsaday in dalkiisa si degdeg ah loogu soo diro hubka culus, oo ay ka mid yihiin nidaamka difaaca hawada, gawaarida gaashaaman iyo taangiyada.

Xulafada ayaa intii uu socday kulankoodii Ramstein waxay Jarmalka ku cadaadiyeen inuu taangiyada Haramcad u diro Ukraine, walow uu si adag uga biyo diiday.

Jarmalka ayaa sheegay inaanu taangiyadaasi siin doonin Kyiv, illaa iyo inta uu Mareykanka uu taangiyadiisa Abrams uga dirayo dalkaasi.

Image

Wasiirka Difaaca Jarmalka, Boris Pistorius ayaa sheegay dowladdiisu inaysan diyaar u ahayn in ay taangiyadaasi gaysyo Ukraine.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in arrinta taangiyada ay u baahan tahay go'aan wadajira oo xulafada ay isla qaataan.

Inkastoo Jarmalku uu xubin ka yahay isbahaysiga NATO, haddana Berlin ayaa diidan in Moscow ay u aragto in dagaalka ay si toos ah ugu lug leedahay.

Ruushka ayaa horey ugu hanjabay in dagaalku uu weji kale yeelan doono, haddii NATO ay Kyiv siiso hub halis gelin kara amniga dalkiisa.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa Jimcihii ku baaqay inaanay xulafada wax waqtiya ku lumin, sidii ay dalkiisa u soo gaarsiin lahaayeen hubka uu codsaday, tiiyoo aad mooddo inay ka caga-jiidayaan.

Faallooyin