Shir looga hadlayo hubka ay Ukraine codsatay oo ka furmay Jarmalka

Wasiirada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada illaa 50 dal oo xulafo la ah Ukraine ayaa waxa uu shir uga socdaa dalka Jarmalka, iyagoo ka arrinsanaya taageerada militari ee Kyiv la siin karo, si ay isaga caabiso duulaanka Ruushka.

Ajandaha ugu weyn ee shirka ayaa ah, sidii nidaamka difaaca hawada, gawaarida gaashaaman iyo taangiyada loo siin lahaa dalkaasi, iyadoo markaasi laga jawaabayo codsigii uu maalin ka hor u soo jeediyay Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy.

Members of the Ukraine Defense Contact Group at Ramstein Air Base on Friday.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay Ukraine inay xulafadeeda caawinayaan, muddada ay doontaba ha qaadatee.

Madaxweynaha Ukraine oo muuqaalka foggaan aragga kaga qaybgalay shirkaasi ayaa sheegay inaanu jirin waqti haatan ka dib la luminayo.

Madaxweyne Zelenskyy oo u mahadceliyay xulafada oo qaarkood hub ugu deeqay dalkiisa ayaa dhanka kale ugu yeeray inay mudnaanta koowaad siiyaan hubka culus ay dowladdiisu dalbaneyso.

"Maanta si dhab ah ayaan ugu faraxsanahay hubka aad bixiseen dhammaantiin, qayb kasta oo la bixiyay waxay dadkeenna ka badbaadineysaa argagax, balse waa inaan dedejinaa." Ayuu yiri Zelenskyy.

Zelenskyy ayaa yiri "Waa inay hub caadi ah noo noqdaan hubka ay ka midka yihiin nidaamka difaaca hawada, gawaarida gaashaaman iyo taangiyada, oo aan hadda idin kala xaajoonayno, keeni karana guul."

Shirka oo maanta ka furmay Saldhigga Ciidanka Cirka Mareykanka ee Ramstein ayaa waxaa Jarmalka lagu cadaadinaya in taangiyadiisa casriga ah ee Leopard uu u diro Ukraine, ka hor inta aanay dalalka kale ee taangiyadaasi sameeya ee Poland iyo Finland dirin taangiyadooda.

Jarmalka ayaase shuruud ku xiray diritaanka taangiyadiisa, taasoo ah in Mareykanku uu ogolaado inuu diro taangiyadiisa Abrams, waana xilli Washington ay ka caga-jiideyso inay taangiyadaasi gayso Ukraine.

Zelenskyy ayaa sheegay inuu filaayo go'aamo adag oo ka soo baxa shirkaasi.

Image

Faallooyin