Dalalka Mareykanka iyo Yurub oo ka jawaabaya codsigii Madaxweynaha Ukraine

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday gargaarkii ugu dambeeyay ee ay siinayso Dowladda Ukraine, kaas oo ku kacaya illaa laba bilyan iyo bar oo lacagta Mareykanka ah ($2.5B).

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in taageeradan militari ay qayb ka yihiin tiro badan, oo ah gawaarida gaashaaman iyo nidaamka difaaca hawada.

Pentagon-ka ayaan kaalmadan cusub ku darin taangiyadii uu maalin ka hor codsaday Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy.

Dowlado ay ka mid yihiin Ingiriiska, Sweden iyo Denmark ayaa ballanqaaday kaalmo militari, oo ay Ukraine kaga caawinayaan duulaanka Ruushka.

Netherlands, Poland, Latvia, Lithuania, Estonia, Czech Republic iyo Slovakia ayaa iyana ka fekeraya nooca hub, ee ay siinayaan Dowladda Ukraine.

Tani ayaa imaanaysa, ka hor shir aan caadi ahayn oo maanta lagu wado in uu ka dhaco dalka Jarmalka, kaasi oo tobanaan dal ay tahay in ay isku soo duba-ridaan sahayda hubka ee Kyiv la siinayo.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa ka codsaday bahwadaagta NATO in ay si degdeg ahi hub culus ku soo gaarsiiyaan dalkiisa, ka hor gulufka cusub ee la filaayo in Ruushka uu qorsheynayo.

Zelenskyy ayaa tibaaxay in taangiyada iyo hannaanka difaaca hawada ay yihiin waxa maanta ugu muhiimsan Ukraine, si ay isaga difaacdo duulaanka Moscow.

Moscow iyo Kyiv ayaa hadda u muuqdo kuwo isku diyaarinaya dagaal cusub. Warbaahinta galbeedka ayaana qoreysa in Moscow ay diyaarinayso guluf weyn.

Faallooyin