Maalin baroordiiq oo ka bilaabatay dalka Nepal, ka dib burburkii diyaaradda Yeti

Shacabka dalka Nepal ayaa maanta u baroordiiqaya dadkii ku dhintay shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay dalkaasi, oo ay dhinteen 68 qof.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ayaa baadigoob ugu jira afar qof oo la la'yahay, inkastoo laga cabsi qabo inaanay jirin cid ka badbaaday shilkaasi.

Image

Diyaaradda Yeti Airlines oo ka ambabaxday Caasimadda Kathmandu, kuna sii jeeday magaalada loo dalxiis taggo ee Pokhara ayaa burburtay, xilli ay ku sii leexaneysay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, waana shilkii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca muddo soddon sano ah.

Ma cadda waxa sababay burburka diyaaradda. Afhayeenka Hay'adda Duulista Rayidka ee dalkaasi ayaa sheegay in cimiladu ay wanaagsaneyd, markii ay diyaaraddu dhaceysay.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in kooxaha gurmadka ay sidoo kale raadinayaan sanduuqa madow ee kaydiya xogta diyaaradda, si looga tixraaco waxa keenay buburka diyaaradaasi.

Howlaha samatabixinta oo ay qayb ka yihiin boqolaal ka mida ciidamada dalkaasi ayaa saaka ka sii socda Pokhara.

Diyaaradda ayaa waxaa la socday 68 rakaab ah oo 15 ka mida ay ajaaniib yihiin iyo 4 shaqaalaha diyaaradda ah.

Dadkan ayaa isugu jiray 57 qof oo u dhashay Nepal, 5 Hindi ah, 4 Ruushka u dhalatay, 2 Kuuriyada Koonfureed u dhashay iyo min hal qof oo u dhashay dalalka Ireland, France, Australia iyo Argentina.

Raysal Wasaaraha Nepal, Pushpa Kamal Dahal ayaa ku dhawaaqay inay maanta tahay maalin qaran oo dalkaasi looga baroordiiqayo masiibadii shalay. Xukuumaddiisa ayaana guddi u saartay inay soo baaraan waxa sababay burburka diyaaradda.

Faallooyin