Ruushka oo sheegay in ciidamadiisa ay la wareegeen Magaalada Soledar

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada bariga Ukraine ku taala ee Soledar.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in ugu dambayntii ay si buuxdo ula wareegeen magaalada, ka dib dagaalo lagu riiqmay oo ka dhacay magaaladaasi.

Image

Wasaaraddu waxay bayaan ku sheegtay in xoogaga calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ay xaqiijiyeen gacan ku haynta magaaladaasi.

Moscow waxay sheegtay inay tani meesha ka saareyso saadka iyo sahayda ee Ciidamada Ukraine ee ku sugan aagga Magaalada Bakhmut. Soledar ayaa 18km dhanka koonfur galbeed kaga beegan Bakhmut.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaase dhankiisa sheegay in dagaalka uu weli ka sii socdo Magaalada Soledar.

"Dagaalka adag ee Gobolka Donetsk ee Bakhmut iyo Soledar wuu sii socdaa." Ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine oo intaasi ku daray "Dagaalku wuxuu weli ka socdaa magaalooyinka iyo tuulooyinka ee bariga dalkeenna."

Khubarada militariga iyo Mareykankuba waxa ay hoos u dhigeen muhiimadda istiraatiijiyadeed ee magaaladan, inkastoo ay Moscow u aragto guul muhiim ah, oo ay ka gaartay mid ka mida furimihii ugu dhiig daadashada badnaa ee bariga Ukraine.

Faallooyin