Dhulgariir xoogan oo ku dhuftay dalka Turkiga

Dhulgariirkan oo cabirkiisa lagu sheegay 6.0 magnitude ayaa goor dambe oo xalay ahayd ku dhuftay meel ku dhow Magaalada Duzce, oo qiyaastii 210km dhanka bari kaga beegan Magaalada Istanbul.

Dhulgariirka oo mid xoogan ahaa ayaa laga dareemay Istanbul iyo Caasimadda Ankara.

Image

Dadka degan Magaalada Duzce iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow ayaa dibadda uga soo baxay guryaha, markii uu dhulgariirku dhacay.

Hay'adda Maareynta Masiibooyinka ee dalkaasi ayaa sheegtay in 35 qof ay ku dhaawacantay dhulgariirkaasi.

Image

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga, Suleyman Soylu ayaa sheegay illaa iyo hadda inaanan la soo warin wax dhimasho ah.

Tani ayaa ku soo aadaysa 10 maalmood uun ka dib, markii dalkaasi laga xusay sanad guurada 23aad ee ka soo wareegatay dhulgariirkii ay boqolaalka qof ku dhinteen ee magaaladaasi ka dhacay 12-kii bishii November ee sanadkii 1999-kii, ayna ku dhinteen illaa 800 oo qof.

Image

Image

Image

Faallooyin