Japan oo sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaal Mareykanka gaari kara

Dowladda Japan ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay maanta tijaabisay gantaal gaari kara dalka Mareykanka.

Wafuud ka kala socotay Mareykanka, Japan iyo Koonfurta Kuuriya oo shir madaxeed kaga qaybgelaya dalka Thailand ayaa cambaareeyay tijaabada 2aad Waqooyiga Kuuriya ee gantaalkaasi, oo ay shalay iyo maanta sameysay.

Wasiirka Difaaaca Japan, Yasukazu Hamada ayaa sheegay in gantaalkan ugu dambeeyay ee Kuuriyada Waqooyi tijaabisay uu leeyahay riddo uu ku gaari karo Mareykanka.

"Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta (abaare 10:14am) waqtiga maxaliga waxay meel ku dhow Magaalada Pyongyang ka ridday gantaal nooca ridada dheer, oo isaga kala gudbi kara qaaradaha, iyadoo gantaalkuna uu u jiheystay dhankaa iyo bariga. Gantaalkan ayaa duulay 69 daqiiqadood, markii uu waqtiga maxaliga ahaa 11:23 daqiiqo, waxa uuna ku dhacay qiyaastii meel 200km ka xigta galbeedka Jaziirada Oshima-Oshima ee waqooyiga Gobolka Hokkaido, halkaas oo ka mid ah badda dalkeena." Ayuu yiri Wasiirka.

"Gantaalkan ayaa jaray qiyaastii 1000km, halka uu hawada u galay joog dhan 6000km." Ayuu yiri Wasiirku oo intaasi ku daray in gantaalkan uu awood u leeyahay inuu jaro masaafo dhan 15,000km.

"Haddii ay arrintu sidaas tahayna waxa ay la macno tahay in dhulweynaha Mareykanku uu ku jiro xadigiisa." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray "Waxaan u sheegnay Pyongyang inaan gebi ahaanba aanan u dulqaadan karin falalkan oo kale."

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi, haweeneyda lagu magacaabo Choe Son Hui ayaa Khamiistii ku hanjabtay in Pyongyang ay jawaab adag ka bixin doonto jooggitaanka Ciidamada Mareykanka ee gobolka.

Afhayeenka Golaha Amniga Mareykanka, Adrienne Watson ayaa Jimcahan sheegtay in Madaxweyne Joe Biden lala wadaagay warbixinta, isla-markaana uu Mareykanku kala kaashan doono xulafadiisa.

Faallooyin