Maamulka Tigrayga oo shuruud ku xiray hub ka dhigistooda

Jabhadda TPLF ee Gobolka Tigray ayaa ku goodisay inaanay hubka dhigi doonin, illaa iyo inta Ciidamada Eritrea ay ka baxayaan dalka Itoobiya.

Inkastoo Dowladda Itoobiya iyo TPLF ay dhawaan heshiis lagu soo afjarayo dagaalka ku gaareen dalka Koonfur Afrika ayay haddana TPLF sheegaysaa in Ciidamada Eritrea ay gabood-fallo ka gaysanayaan gobolkaasi dhaca waqooyiga Itoobiya.

Afhayeenka Jabhadda TPLF, Getachew Reda ayaa sheegay in Ciidamada Eritrea ay laayeen dad shacab ah, isla-markaana ay gaysteen dhac iyo burbur hantiyadeed.

Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay inaanay xoogagoodu hubka dhigi doonin, illaa iyo inta ay Addis Ababa ka xaqiijinayso ka bixitaanka Ciidamada Eritrea ee dalka.

Ciidamada Eritrea ayaa Dowladda Itoobiya ka taageerayay dagaalkii ay muddada labada sano kula jirtay TPLF.

Sarkaal u hadlay Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegay in arrinta Ciidamada Eritrea la xalin doono, marka Ciidamada Federaalka ay fariisimo ka sameystaan xuduudda Tigrayga.

Gobolka Tigrayga oo xad la leh dalka Eritrea ayaa la fahamsan yahay in uu dalkaasi kala dhaxeeyo muran dhuleed, inkastoo Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed ay horaan dhulkaasi u saxiixday Dowladda Eritrea, haddana TPLF ayaa si weyn uga hortimid.

Labada dhinac ayaa waxaa ka dhex aloosan xurguf iyo cadaawad muddo dheer soo taagneyd.

Addis Ababa ayaa u yeeratay Ciidamada Eritrea, xilli xoogaga TPLF ay bilowgii dagaalka u muuqdeen kuwo ku gacan-sarreya, taasoona miisaanka dagaalka dhanka kale u rogtay.

Faallooyin