Mohammed bin Salman oo booqasho ku joogga Kuuriyada Koonfureed

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ahna Ra'iisal Wasaaraha dalkaasi, Mohammed bin Salman ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii gaaray Magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada Koonfureed.

Dhaxal-sugaha ayaa waxaa Caasimadda Seoul ku qaabilay Ra'iisal Wasaare Han Duck-soo, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.

Image

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga laba geesoodka ee dalalkaasi.

Kulanka ayay sidoo kale kaga hadleen dhaqaalaha dunida iyo caqabadaha ku gadaaman, oo ay ugu horreyso xiisadda dhaqaale ee caalamka ku soo korodhay, ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Amiir Mohammed bin Salman ayaa dalkaasi ku joogga lugta 2aad, socdaalka uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Asia.

Amiirka ayaa waxaa socdaalkiisan ku wehlinaya xubno ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Gudaha, Abdulaziz bin Saud bin Naif iyo kan Tamarta, Abdulaziz bin Salman.

Ina Salman iyo wafdigiisa ayaa Arbacadii shalay ka ambabaxay dalka Indonesia, ka dib markii Amiirku uu Jaziiradda Bali kaga qaybgalay Shirka Madaxda G20.

Image

Image

Faallooyin