18 jir Falastiini oo weerar ku dilay saddex qof oo Israeli ah

Ninkan dhallinyarada ah ayaa weerarka u adeegsaday toorey iyo gaari jiirsiin, isagoona ka gaystay Daanta Galbeed ee Israel xoogga ku haysato, ka hor intii aan isagana la dilin.

Taliska Ciidanka Difaaca ee Israel ayaa warsaxaafadeed ku sheegay ku sheegay in ninkan uu toorey ku weeraray ilaalo, aagga albaabka laga galo beerta warshadaha ee Ariel, isla-markaana uu saddex qof ku tooriyeeyay meel ku dhow kaalin shidaal, intii aanu ku baxsan gaari uu soo xaday.

Image

"Wax yar ka dib, qofkaasi argagixisada ah ayaa gaariga ku dhuftay baabuur kale oo marayay waddada 5aad ee weyn, ka hor inta uusan soo bixin oo uu qof kale toorey ku dhufan." Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri "Ka dib waxa uu xaday gaari kale oo uu waddada ugu kaxeeyay is isweydaar ah, isagoo ku dul dhacay baabuur badan, ka hor inta uusan ka soo degin, waxaana rasaas ku furay askar iyo dad shacab ah oo hubeysnaa."

Saraakiisha Israel ayaa sheegay in ninkaasi uu dilay saddex qof, saddex kalena uu dhaawacay.

War ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa lagu sheegay in ninka dhallinyarada ee Ciidamada Israel dileen lagu magacaabi jiray Mohammed Souf, kaasoo 18 jir ahaa, kana soo jeeda deegaanka Haris ee duleedka Magaalada Salfit ee Daanta Galbeed.

Warbaahinta Falastiin ayaa ku warantay in Ciidamada Israel ay gudaha u galeen deegaanka Haris, weerarka ka dib.

Saraakiisha Israel waxay sheegeen inay amar u haysteen inay deegaankaasi galaan, iyagoo ka baadigoobayay qof la sheegay inuu ninkaasi ku gacan siinayay weerarka.

Faallooyin