Mohammed bin Salman oo loo magacaabay Ra'iisal Wasaaraha Sacuudiga

Boqorka dalka Sacuudiga, Salman bin Abdulaziz ayaa wiilkiisa Mohammed bin Salman u magacaabay Ra'iisal Wasaaraha Boqortooyada, kaasoo hadda ah Dhaxal-sugaha Boqortooyada.

Boqorka ayaa wiilkiisa kale ee Khalid bin Salman u magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga, isaga oo horey u soo noqday Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhigga.

Image

Amiir Mohammed bin Salman oo dad badani u arkayeen hoggaamiyaha dhabta ah ee Boqortooyada ayaa laga dalacsiiyay Wasiirka Gaashaandhigga. Magacaabistiisan ayaa rasmi ahaan ka dhigan doorkiisa hoggaamineed ee Dowladda Boqortooyada Sacuudiga.

Sida ku cad wareegto ka soo baxday Xafiiska Boqorka Sacuudiga waxaa xilalkooda dib ugu soo laabtay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Faisal bin Farhan Al Saud, Wasiirka Maaliyadda, Mohammed al-Jadaan iyo Wasiirka Maalgashiga, Khalid al-Falih.

Dhaxal-sugaha ayaa is bedelo waaweyn ku hoggaamiyay dalkan oo ah mid sharci adag, tan iyo markii uu xilka qabtay, sida isagoo qaaday tallaabooyin lagu doonayo in Sacuudigu kaga gudbo dhaqaalihiisa ku tiirsan saliidda, in uu haweenka u ogolaaday kaxeynta gawaarida, inuu xakameeyay kaalintii ama awooddii wadaadada iyo inuu xoojiyay gacanta adag ay Boqortooyadu ku wajahdo dadka dhaliilsan siyaasadeeda.

Faallooyin