Madaxweynaha Kenya oo magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa galabta magacaabay xubnaha Golihiisa Wasiirada cusub, oo ka kooban 22 Wasiir.

Madaxweynaha Kenya ayaa Musalia Mudavadi u magacaabay inuu noqdo Xoghayaha 1aad ee Golaha Wasiirada.

Image

Madaxweynaha ayaa Kithure Kindiki u magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, halka Alfred Mutua uu u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo noqonaya Wasiirka Gaashaandhigga.

Xubnaha kale waxaa ku jira Moses Kuria oo noqonaya Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Waarshadaha.

Golaha Wasiirada ayaa dhawaan hortaggi doona Xildhibaanada Baarlamaanka ee dalkaasi, si ay codka kalsoonida u siiyaan.

Madaxweyne Ruto ayaa Wasiirada kula dardaarmay in ay si degdeg ah waajibaadkooda u gutaan, marka uu Baarlamaanku meelmariyo.

Faallooyin