Madaxweynaha Faransiiska oo dhaliilay dalalka ka aamusan colaadda Ukraine

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa si kulul u dhaliilay dalalka caalamka ee ka aamusan duulaanka uu Ruushka ku qaaday dalka Ukraine.

Madaxweynaha Faransiiska oo ka hadlayay shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa dalalkan ku eedeeyay inay u hoggaansan yihiin waxa uu ugu yeeray siyaasadda dhul ballaarsiga ah ee Ruushka.

Madaxweynaha ayaa tibaaxay in dhexdhexaadnimada dalalkaasi ay halis ku tahay, isla-markaana ay burburineyso nidaamka caalamiga ah ee maanta dunida ka jira.

Waxa uu sheegay, haddii gacmaha laga laabto waxa ka socda Ukraine ay imaan doonto halis ah in la burburiyo habsami u socodka dunida, lana gaarsiiyo heer ay nabaddu noqoto mid aan macquul ahayn.

Hadalka Madaxweyne Macron ayaa imaanaya, xilli gobolo ka mida dalka Ukraine oo Ruushku uu haysto laga qaban-qaabinayo in laga qabto afti, si goboladaasi uga mid noqdaan dhulweynaha Ruushka.

Saraakiisha Ruushku taageero ee koonfurta iyo bariga Ukraine ku sugan ayaa sheegaya in toddobaadkan dhexdiisa cod loo qaadi doono ku biirista Ruushka.

Faallooyin