Boqoradda Ingiriiska oo maanta lagu wado in la aaso

Boqoraddii Ingiriiska ee geeriyootay, Queen Elizabeth II ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso Magaalada London.

Boqoradda oo 96 jir ahayd ayaa geeriyootay 8-dii bishan, ka dib xanuuno ay muddooyinkii ugu dambeysay dhul layaal la ahayd.

 HM Queen Elizabeth II meeting choristers outside the Abbey. She is wearing a blue outfit and carrying a bouquet as she stands next to the Dean of Westminster

Madax isugu jira Boqoro, Madaxweyneyaal iyo Ra'iisal Wasaareyaal ka kala socda wadamada caalamka ayaa ka qaybgelaya aaska Boqoradda.

Khudbado iyo maamuus gaar ah oo ay leedahay Boqortooyada Britain ayaa loogu samayn doonnaa Aqalka Westminster, ka hor inta aan lagu aasin xabaalo looga sameeyay Xarunta Boqortooyada ee Windsor.

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa ka mid ah madaxda caalamka ee ka qaybgelaya aaska boqoradda.

Faallooyin