Dhaqaalaha dalka Kenya oo Burburay

Dhaqaalaha dowlada Kenya ayaa gabi ahaanba burburay taasi oo walaac xoogan ku abuurtay shacabka dalkaas gaar ahaan kuwa danyarta ah ee la daala dhacaya sicir Bararka.

Senatarka ismaamulka Nandi Hills ee gobolka Rift Valley, Mr Samson Cherergei oo ka tirsan xisbiga UDA ee uu hogaamiyo madaxweynaha Kenya Dr William Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay in dhaqaalaha Kenya uusan ku jirin halis balse uu Burburay.

Mr Cherergei ayaa intaa raaciyay in qasnada wasaarada maaliyada ay ku jirto oo kaliya lacag dhan 93.7 million oo lacagta Kenya oo u dhiganta 788,313.28 kun oo doolarka Mareykanka.

Mas,uulkan ayaa ku dhaliilay dhaqaale burburkaan dowladii hore ee madaxweyne Uhuru Kenyatta oo xilka ka tagay talaadadii la soo dhaafay, wuxuuna intaa raaciyay in dhaqaalihii qaranka uu gurigiisa u Qaatay.

Senatarka ismaamulka Nandi Hills ee gobolka Rift Valley, Mr Samson Cherergei ayaa ugu baaqay shacabka Kenya in dulqaad ay muujiyaan maadaama madaxweyne Ruto uu dadaal ugu jiro Samatabixintooda.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo guud ahaan dalka Kenya laga dareemayo sicir barar baahsan iyo abaaro saameeyay dadka xoola dhaqatada ah ee ku dhaqan gobolka waqooyi Bari Kenya oo Soomaalida Degto.

Faallooyin